Al-Shabaab oo weeraray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay saaka waaberigii weerareen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhacay bartamaha magaalada Balcad iyadoo dagaalkana uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa u suurtogashay inay la wareegaan xaafado ka mid ah magaalada, balse wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya inay kabaxeen magaalada.

Wixii ku soo kordha wararka degmada Balcad kala soco jowhar.com