Faah faahin ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay degmada Balcad

Xaalada degmada Balcad ayaa degen kadib markii waaberigii saaka ay gudaha u galeen xaafado ka mid ah degmadaas dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux oo mid kamid ah uu yahay askari ayaa ku dhintey dhowr kalana ay ku dhaawacmeen dagaalkii saaka ka dhacay degmada Balcad.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo qabsaday saldhigga booliska degmada Balcad ayaa ka sii daayay dhammaan maxaabiis ku xirneyd.

Sidoo kale waxaa miino lagu xirey xarunta hay’adii nabad sugida iyadoo qarax weyn oo ka dhacay degmadaas.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle iyadoo ay hore dhowr jeer ay ugu soo laablaabteen degmada Balcad weerarada ay ku qaadaan dagaalamayaasha Alshabaab.

Degmada Balcad ayaa u jira Muqdisho 30KM, waxaana degmadaas ka mid aheyd deegaanadii 8 sano ka hor laga saaray Al-Shabaab.