Dowlada oo ka hadashay qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax ka dhacay gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

War Saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta xukuumadda FS ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Al-shabaab ay galabta qarax la beegsatay dad shacab ah oo ku nasanayey maqaayad ku taal agagaarka taallada Xaawa-taako ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan qaraxa ahaa ayaa ka dhashay kadib markii uu is qarxiyay ruux waxyaalaha qarxa isku soo xirey waxayna dowlada federalka  sheegtay  inay ku dhinteen 3 ruux halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan is miidaaminta ah ayaa ku soo beegmaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho la adkeeyay ayna ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya.