Madaxda K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle oo degdeg u imaanaya Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa maanta wadajir u imaanaya magaalada Muqdisho, kaddib marka shir wadatashi ah oo saacado ah ku yeeshaan magaalada Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Galmudug oo goordhow ka soo ambabaxay Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu daqiiqadaha soo socda ka dego magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biira doona Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo horay ugu sugnaa magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in shir saddex geesood ah saddexda Maamul Goboleed ay yeelan doonaan, shirkaasoo ah mid saacado ah, waxaana marka ay wadatashaan ay u soo ambabixi doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa shalay shaaciysay shir loo dhan yahay maalinta Khamiista oo berri ah ku yeelanayaan Muqdisho Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay ugu sugnaa Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo Madaxweynaha hordhigay shuruud ah in shirka Muqdisho uu ka soo qeyb geliyo saddexda Maamul goboleed ee kale.