Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa goordhow ka furmi doona magaalada Baydhabo, iyadoo shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo saddexdan maamul kaga hadlayaan sidii mowqif mideysan ula tagi lahaayeen shirka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirkooda ay u badan tahay in war murtiyeed ka soo saaraan, si ay u adkeeyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa marka shirkooda u soo dhamaado isla maanta si wadajir ah imaanayaMuqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay iclaamiyay inuu Muqdisho ka furmi doono 10-ka bishan septembet shir ay u dhan yihiin  Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo todobaadkii hore Muqdisho u yimid kulanka Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee markii dambe shuruud ku xiray, kana dalbaday inuu shirka ka soo qeyb geliyo Maamul goboleedyada maqan.