Madaxweynayaasha Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray Muqdisho,kadib  kulan ay manta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliuiintaan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Filish iyo madax kale.

Madaxda dowlad goboleedyada goor dhow soo gaaray Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan kulan loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo berri ka dhacaya Muqdisho.