Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Wafdi ka socda Mareykanka

The President of the Republic praises the performance of the FG in the program of economic reform.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan kula leh garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wafdi ka socda Mareykanka oo saaka yimid Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan wafdigan ayaa ka socda Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka AFRICOM ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku wehliya La Taliyeyaashiisa Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.

Wafdigan ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo kala hadlaan arrimo la xiriira amniga iyo doorashooyinka, iyadoo muddooyinka Mareykanka walaac badan ka muujinayay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in imaanshaha wafdigan ay daba socoto walaaca Safaaradda Mareykanka xalay ka muujisay oo ay ku sheegtay in musuq maasuq iyo eex ay dhaawici karto howlaha la xiriira dib u habeynyta amniga.

Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay taageerayay howlaha dib u habeynta ciidamada, gaar ahaan Ciidanka Milateriga Soomaaliya, waxaana qoraalkii ka soo baxay Mareykankauu ahaa farriin si toos ah ugu socday is bedelo dhacay oo la xiriira Taliyaha Ciidanka DANAB iyo Madaxii howlaha dib u habeynta Amniga u qaabilsana Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maalmo ka hor isku casilay faragelin uga timid Madaxtooyada.