Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho iyo faah faahin ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay mid ka mid ah Koontaroolada laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana xogta hordhac ah ay sheegeysa in qaraxa ahaa qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyay maqaayad ku dhow Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo Ciidamada Amniga ku sugan yihiin.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa oo xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena soo socda.