Shir seddex geesood ah oo Baydhabo uga furmay Lafta Gareen, Waare iyo Qoorqoor

Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ka furmay shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Koofuur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirkan oo ah mid saacado soconaya ayaa looga hadlayaa iskaashiga saddexdaas maamul, iyagoo ka wada tashanaya shirka Muqdisho uu ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan shirka Muqdisho, ayna muhiim tahay in la soo dhoweeyo heshiiska Dhuusamareeb 3, lana dhageysto Madaxdii ka maqneyd.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa dhankiisa tilmaamay inuu soo dhoweeynayo in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in tabashadooda la dhageysto.

Waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo soo dhiso Xukuumad, maadaama dalka muddo 45 ah aanay dalka laheyn Xukuumad rasmi ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa caddeeyay in shirka Muqdisho uu yahay fikradaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, si loo sii xoojiyo heshiiskii Dhuusamareeb 3