Shirkii berri loo balansanaa ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo dib u dhacay

Warar laga helay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhaca ay la xiriirto arrimo ka dhex jira Maamul goboleedyada dhexdooda iyo arrin laga rabo Madaxtooyada Villa Somalia inay fuliso ka hor shirka inta uusan furmin.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu si rasmi ah u furmi doono Maalinta Sabtida ee soo socota.

Dhinaca kale warar laga helayo Kulan maanta duhurkii dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegaya weli taagan tahay arrinta Gedo oo Jubbaland ku doodeyso in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo oo ka mid ahaa caqabadihii ku horgudbanaa Shirkii saddex geesoodka ahaa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Madoobe.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa dhammaantood caawa ku hoyanaya Muqdisho, waxaana baaqatay Casho sharaf uu Madaxweyne Farmaajo ku martiqaaday.