Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxay qaraxka dhacay Ceel-Waaq

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay manta magaalada Ceel-Waaq iyadoo qaraxaasina ay waxyeelo ka soo gaareen dad rayid ah.

Wararka ka imanaya Ceel-Waaq ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan saddex ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob ganacsi oo ku taal batamaha magaalada Ceelwaaq iyadoo halkaasina ay fariisan jireen qaar ka mid ah ciidamada dowlada.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxana la dhigey isbitaalka magaalada Ceelwaaq.