Jahwareerka shaqo ee hareeyay Xafiiska R/Wasaaraha iyo C/risaaq Caato oo dib loo soo celiyay

Jahwareer dhanka shaqada ayaa hareeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii muddo 45 cisho ah lagu bedelay illaa saddex xoghaye, oo isaga kala dambeeyay shaqada tan iyo ridisii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Xaalada jahwareerka uu galay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sabab u ahaa is bedelo xiriir ah oo saameeyay habsami u socodkii howlaha Xafiiska oo xilli ahaa kan ugu mashquulka badan, uguna shaqada badan.

Sii Hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed ayaa dib u soo celiyay C/risaaq Xuseen Aadan oo loo yaqaano C/risaaq Caato oo xilkan laga qaaday 40 maalmood ka hor, kaddib markii uu ku lug yeeshay fal xadgudub ku takri fal awoodeed oo uu kula kacay mas’uul u dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, iyadoo la sheegay inuu bixiyay amar gaari uu lahaa Yaxye Cali Hareeri lagula wareegay, balse dib loo celiyay.

Dhacdadan kaddib ayaa Mahdi Guuleed xilka ka qaaday Mr Caato, una magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/raxmaan Sheekh Mucaawiye oo horay u ahaa Kuxigeenka Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo C/risaaq Caato xilka laga qaaday xilligaas, balse waxaa jiray inuu aad ugu lug lahaa Xafiiska, saameyntiisa muuqatay, waxaase mar kale lagu soo baraarugay in 40 berri kaddib dib loo soo celiyay.

Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa laga soo xigtay in waxa ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya tan iyo markii uu ka tegay Ra’iisal wasaarihii hore ay isu bedeshay fowdo iyadoo awoodda Madaxweynaha ku takri falayaan xubno dhalinyaro ah oo Madaxtooyada ku xiran.

Shaqadii xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa isku cakirantay, waxayna xaaladii isu bedeshay jaha-wareer hareeyay xafiiskaasi oo mar ahaa goobta ugu nidaamsan hay’adaha dowladda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la bedelay dhowr mas’uul oo Xafiiska ka shaqeynayay, kuwaasoo u badnaa La Taliyeyaal iyo howl-wadeeno, loona wareejiyay Wasaarado, sidoo kale is barbaryaaca ka jiray Xafiiska ayaa waxaa isku casilay Agaasimihii Xiriirka Warbaahinta iyo Madaxii howlaha dib u habeynta qeybta Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.