Madaafiic lagu garaacay degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho

Madaafiic dhawaaqooda laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo loo malaynayo inay yihiin hoobiyaal ayaa abuuray jawi xasilooni darro iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyeelada ay geysteen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Shangaani, Waabari, Warta-nabadda , Xamar Jajab iyo gooba kale.

Hoobiyaashan laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya  xilli magaalada ay ku  sugan yihiin madaxda dowlad goboleedyada dalka iyadoo maantana qado sharaf loogu sameeyay madaxtooyada dalka.

Ammaanka Muqdisho oo si  aad ah loo adkeeyay ayaa waxaa shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada kadib markii qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey uu isku qarxiyay maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen.

Kala soco jowhar.com faahfaahinta madaafiicda laga maqlay Muqdisho.