Maxkamadda Ciidamada oo digniin culus ka soo saartay isku dhacyada Ciidamada

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa digniin culus ka soo saartay dagaalada dhex mara Ciidamada ka tirsan dowladda oo ka dhaca Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan mudneyn in dushooda lagu dagaalama, isla markaana ay ka badbaadaan gacanta Ciidamada.

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in aan marnaba la aqbaleyn Saraakiisha Ciidamada dowladda iyaga oo jooga in ciidanka dhexdooda dagaalamaan.

Waxaa uu sheegay in tallaabo ka qaadi doonaan askartii ku dagaalanta Beledxaawo iyo Gobolka Gedo oo muddooyinkan ay ku soo kordheysay iska hor imaadyada ciidanka dhexdooda dhex mara.

Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ku soo noq-noqday iska hor imaadyada dhex mara ciidanka dhexdooda, waxaana ay sababtaa khasaare ka soo gaarto dadka shacabka ah.