Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo safar deg-deg ah ugu ambabaxay Nairobi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa safar degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi dalka Kenya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka raacay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in uu balamo kula lahaa magaalada Nairobi saraakiil ka tirsan beesha caalamka.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa in berri gelinka dambe uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Safarkaan deg deg ah ee Madaxweynaha Galmudug uu ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ka furmo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.