Madaxweynaha Jubbaland oo si deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Kismaayo si uu uga qeybgalo aaska Allaha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu aaska kaddib uu dib ugu soo laabto maalinta sabtida ah ee berri ah magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Shaafi Raabi Kaahin iyo dadkii kale ee ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qarax ka dhacay maanta magaalada Kismaayo oo uu sheegtay ururka Alshabaab ayaa ayaa si gaar ah loola beegsaday Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana kasoo gaaray dhaawac culus oo uu ugu dambeyntii ugu geeriyooday isbitaalka.