Shaafi Raabi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Kismaayo

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo salaadii jimcaha kaddib ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay bannaanka masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo, wax yar kaddib markii laga soo baxay salaadii jimcaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Guddoomiye Shaafi uu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxa.

Ugu yarana saddex ruux oo uu ku jiro ninkii is qarxiyay ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay dad goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay Kismaayo, Al-Shabaab ayaa u muuqda inay bedeleen tabtii qaraxyada oo ay adeegsan jireen baabuurta, balse waxaa dhowaanahan soo kordhay qof lagu soo xiro waxyaabaha qarxa oo keligiis duule ah oo isku qarxiya goobaha ciidanka iyo dadka rayidka u badan yihiin.

La soco wixii warar ee ku soo kordha