Wararkii ugu dambeeyay weerar is qarxin ah oo ka dhacay Kismaayo

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in weerar is qarxin ah uu goordhoweyd ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo uu fuliyay qof naftii halige ah.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay banaanka masaajidka Qadiim ee  magaalada Kismaayo, waxaana ruuxa is qarxiyay uu bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Wararka ayaa sheegaya in labo qof uu ku jiro ninka is qarxiyay ay ku dhinteen, halka todobo kale ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan Ilaalada Shaafi.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi ayaa soo gaaray dhaawac culus, sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkan u dambeeyay bedeshay xeelada weerarada qaraxyada oo ay hortii u adeegsan jirtay baabuurta, halka maalmahan ay soo kordheen qof isku soo xira waxyaabaha qarxa oo beegsada goobaha ciidanka iyo dadka rayidka u badan yihiin.