Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeybgalay aaska Marxuum Shaafi Raabi

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ka qaybgalay aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin ka qeybgalay Labada Madaxweyne ku xigeen ee Maamulka Jubbaland,Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay goobta aaska ayaa sheegay in dagaalka ka dhan ah Al-shabaab aga wada qaybqaato, sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyiinta qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, iyagoona sheegay inay ku dileen Guddoomiyihii Rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay dad dhow 8 qof.