Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga, kuna amray inay keenaan…

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga, iyadoo uu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen Argagixisada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu degdeg isla shalay ugu laabtay Kismaayo, si uu uga qeyb galo aaska Marxuum Shaafi oo ka mid ahaa aas aasayaashii dowlad goboleedka Jubbaland.