Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo qarka u saaran inuu baaqdo

Iyadoo saaka lagu waday inuu Madaxtooyada Villa Somalia uu ka furmo Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa shirkaas waxaa soo wajahay caqabad ku saabsan maqnaanshaha Madaxda  dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland oo shalay safaro degdeg ah ugu kala ambabaxay Kismaayo iyo Nairobi.

Shirka oo la filayay inuu furmo saaka 10:00 subaxnimo ayaa haatan u muuqda inuu dib u dhac ku yimid, iyadoo aanay weli Muqdisho dib ugu soo laaban Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa saaka 8-da subaxnimo la filayay inuu dib ugu soo laabto Muqdisho, hase ahaatee soo laabashadiisa ay dib u dhacday.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay u aaday Kismaayo ka qeyb galka aaska Meydka Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabbi oo saaka lagu aasayo Kismaayo.

Waxaa suura gal ah in shirka uu berri oo Axad ah dib u dhici karo, haddii aanay gelinka hore ee maanta imaan Madaxda maqan.

Si kastaba ha ahaatee shirka Muqdisho ayaa si weyn loo sugayaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay ku gaaraan doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana ay cadaato qaabka doorashada.