Wadahadalo u dhexeeya Afghanistan iyo Daalibaan oo ka furmay dalka Qadar

Wadahadalo u dhexeeya dowlada Afghanistan iyo ururka Daalibaan ayaa ka bilowday dalka Qadar kadib markii tobanaan sano oo ay kumanaan ruux ku dhinteen.

Mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka furitaanka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Abdullah Abdullah oo ah guddoomiyaha golaha sare ee Dib u heshiisiinta Afghanistan,hoggaamiye ku xigeenka ururka Daliban Abdul Ghani Baradar iyo xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Mike Pombeo.

Kulanka labada dhinac ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo si toos ah ay labada dhinac iskula hor fariistaan.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Pombeo ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ku heshiiyaan wax dan u ah shacabka Afghanistaan.

Hoggaamiye ku xigeenka Afghanistan Baradar ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonayaan in lagu xukumo shareecada Islaamka wadanka Afghanistan.