Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad Drone ah

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay diyaarad yar oo nuuca wax basaasa ee loo yaqaano drone ah, taasoo ku soo dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Sida lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyay in diyaaradan yar ay gacanta ku dgigeen, kana mid tahay kuwa ay leedahay dowladda Mareykanka

Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaaradan loo adeegsanayay ilaalinta garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin Mareykanka, kuwaasoo ay ku xiran yihiin kaamirooyin.

Nuuca diyaaraddan ayaa ka yar kuwa la aaminsan yahay in Mareykanka u adeegsadaan basaasida iyo weerarada duqeymaha ah, taasoo la sheegay inay tahay mid weyn.

Al-Shabaab ayaa horay gacanta ugu dhigay diyaarado kuwa wax basaasa ah oo ku dhacay deegaanada ay ku sugan yihiin, diyaaradahaas ayaa ka weynaa mida ay haatan soo bandhigaan oo ah kuwo inta badan loo adeegsado sawir-qaadida.