Shirka u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo goor dhow furmay

Waxaa goordhow shir albaabada u xiran u furmay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayo dhammeystirka hannaanka doorashada dalka 2020/21.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ka socda Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ma ahan shir u furan dhinacyada kale ee wehliya Madaxda, iyadoo ay aheyd in Madaxweyne kasta inuu 3 xubnood ku wehliyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay maareyn waayeen in shirku noqdo qaab furan oo ay Warbaahinta goobjoog ka noqoto furitaanka shirka iyo khudbadaha jeedinayaan la duubo.

Si kastaba ha ahaatee shirka ayaa la ogeyn inta uu socon doono, waxaana la filayaa in Guddiga Farsamada loo saaro qodobada adag ee ka doodistooda adkaato.