Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta oo lagu dilay Gobolka Baay

Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen meel 45Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo waxay ku khaarijiyeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabayay Ibraahim Macalim Cabdi oo loo yaqaano Ibraahim Ganey, waxaana ciidanka ay shalay gelinkii dambe ku dileen inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Aw Diinle.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu baxsaday nin ilaalo u ahaa Sarkaalkan ayaa ka baxsaday goobta.

Ciidanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen 2 qori Ak47 bastoolad makaaroof loo yaqaan iyo 8 khasanadood.

Sarkaalka la dilay ayaa u qaabilsanaa Al-Shabaab dhanka howlgelinta dagaalada degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka fuliyay duleedyada magaalada Baydhabo iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay.