Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo booqday qoyska gabar lagu diley Muqdisho

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gurigooda ku booqday qoyska ay ka soo jeedo allaha u naxarisitee Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan kufsiga iyo dil loogu geestay Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliyay General Cabdulaahi Bariise iyo guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar,waxana uu xildhibaanku ugu horeyn uga tacsiyadeeyay qoyska Xamdi Maxamed Faarax geerida naxdinta leh ee ku timid gabadhooda, waxa uuna sheegay in falkaasi ahaa mid ka argagaxeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ka Xildhibaan ahaana aad uga damqaday.

”Ugu horeyn Waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Xamdi Maxamed, waa dhacdo xanuun badan oon la aqbali karin waxa gabadha ku dhacay, waxaana ka shaqeeneynaa sidii gabadhaasi cadaalad u heli laheyd” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow oo ku tilmaamay dilka loo geystey mid aan la aqbali karin.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo ah Xildhibaan inta badan bulshada Soomaaliyeed arimahooda u dhaq dhaqaaqa aadna u caawiya ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee taga guriga gabadhii sida arxan darada ah loogu dilay Muqdisho ku nooleed, waxa uuna kamid yahay Xildhibaanka dadka sida weyn u raadinaya in gabadhaasi cadaalad hesho.