Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaas ayaa loogaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, Doorashada 2020/2021, marxalada kala guurka ah iyo Arrimaha maamulka Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahaceliyay booqashii uu maanta ugu tegay, wuxuuna sidoo kalena ku boggaadiyay dadaalka ay ku doonayaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho.