Ciidamada Milatariga oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmooyinka Raagge Ceelle,Mahaday iyo degmada Jowhar.

Howlgalo qorsheeysan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka waxeey kugaareen Deeganada War dhagax, War ciise, Wararaxleym,Gaal leef, Qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere, kuwaasoo ay hore u joogeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Milatariga oo ka tirsan qeybta 27aad ayaan wax iska caabin ah kala kulmin dagaalamayaasha Alshabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ay weli ku sii jeedaan deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay weli maamulaan dagaalamayasha Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More