Duulimaadkii ugu horeeyey ee lagu daadgureynayo shaqaale Afganistan ah oo gaartay Washington

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay saaran yihiin turjubaano reer Afgaanistaan ​​ah iyo dad kale oo la shaqeynayay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Washington Dulles, sida ay shaacisay dowladda Mareykanka.

Diyaarad siday 221 reer Afghanistan ah, oo ay ku jiraan 72 carruur ah, sida ku cad dukumintiga gudaha ee ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha subaxnimadii hore ee Jimcaha.

Aqalka Cad wuxuu xaqiijiyey in rakaabkan ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee qiyaastii 2,500 oo reer Afgaanistaan ​​ah oo loo daadgureeynayo Mareykanka kooxdii ugu horreysay ee dib u dejinta.

Dad badan oo reer Afgaanistaan ​​ah oo la shaqeynayay ciidamada NATO ee Mareykanku hogaaminayo ayaa ka baqaya aargoosi kaga yimaada Taliban iyadoo ciidamada Mareykanka loo qorsheeyay inay baxaan dhamaadka bisha Ogost, ku dhowaad 20 sano markii ugu horeysay ee ay yimaadeen.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay duulimaadka taariikh muhiim ah uuna yahay fulinta balanqaadkii loo sameeyay kumanaan muwaadiniinta reer Afgaanistaan ​​ah oo la shaqeynayay ciidamada Mareykanka iyo diblomaasiyiinta 20-kii sano ee ugu dambeysay Afghanistan.

“Kuwani Afqaanistaan ​​ah waxay awoodaan inay si toos ah u yimaadaan Mareykanka maxaa yeelay waxay horay u dhameystireen baaritaan balaaran oo dhanka asalka ah iyo baaritaanka amniga ee Beesha Sirdoonka iyo Waaxyaha Dowlada iyo Amniga Gudaha,” ayuu yiri Biden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More