Abaarta Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay taranka haweenka.

Nov. 17 (Jowhar.com) -Hay’adda sanduuqa dadweynaha ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNFPA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in abaarta Soomaaliya ka jirta ay saamayn weyn ku yeelatay caafimaadka taranka ee haweenka iyo gabdhaha yaryar.

Tirada dumarka ay abaartu caafimaadkooda saamaysay ayey hay’addu sheegtay inay gaarayaan 1.9 malyan oo ku kala nool gobollada Soomoaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Dr. Axmed Aweys Axmed oo ah madaxa mashruuca caafimaadka taranka ee hay’adda UNFPA xafiiskeeda magaalada Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in arrimahan ay ka dhasheen nafawa darada ka jirta qeybo kamid ah gobolada dalka, isagoo tilmaamay in dhintan ay si gaar ah u heyso haweenka da’dooda ay u dhexeyso 14 jir ilaa 50 jir, sida uu yiri.

Gobolka Baay oo ka tiraan Koofur Galbeed ayuu tilmaamay iney tahay gobolka ugu badan ee dhibaatadan ay gabdhaha ku heysato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More