Afar kamid ah ilaalada madaxweyne Deni oo shil gaari ku geeriyootay

Afar askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa geeriyootay, halka ay dhaawacmeen lix kale kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen oo marayay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Si gaar ah shilkan gaari waxa uu uga dhacay halka loo yaqaano dalcadda Karin-Dhiig, iyadoo ciidamadan ay ka soo bexeen magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland, Deni beri ayaa laga sugayaa caasimadda Puntland.

Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ayaa haatan lagu dabiibayaa dhaawacyada lixda askari oo qaarkood la sheegay in xaaladooda caafimaad ay adag tahay, waxaana socda baaritaano ay wadaan hay’adaha amaanka oo ku aadan waxa sababay shilkan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen shilkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More