Al-Shabaab oo qarax ku dishay dad isku qoys ahaa

Dec 16 (Jowhar.com)- Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax miino oo dhulka ay ku aastay ku dishay saddax qof oo isku qoys ahaa kadib markii uu qarxay gaarigii ay saarnaayeen oo marayay deeganka Eegay uu dhexeeya magaalooyinka Gaarisa iyo Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadka qaraxa miinada ku dhintay ayaa kala ahaa Ugaas Amiin Ugaas Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka Soomaalida ee Kenya, wiil uu dhalay oo gaariga waday iyo nin ay Ugaaska la dilay walaalo yihiin.

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa werarro dad badan au ku dileen ka gaysta gobolka Soomaalida ee Kenya, halkaasi oo marar badan ku beegsadeen ciidamada Kenya iyo dadka socotada ee deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More