Alshabaab oo weerar ku qaaday saaka magaalada Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in saaka waabarigii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerar xoog leh ku qaadeen degmada Balcad oo 37km u jirta caasimada dalka ee Muqdisho.

Inta badan magaalada ayaa waxaa la wareegay dagaalamayaasha Alshabaab kadib dagaal xoog leh oo ka dhacay afaafka hore ee magaalada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo soo gaaray illaa lixda aroornimo.

Xarunta maamulka degmada Balcad iyo saldhigga Booliska degmada ayay ayay la wareegeen dagaalamayaasha Alshabaab.

 

Ciidamada dowlada ayaa difaac ka galay buundada magaalada Balcad halkaa oo dagaal xoog leh uu ka dhacay.

 

Dagaalka ayaa yimid iyadoo inta badan ciidamadii dowlada ee ku sugnaa degmada Balcad ay ku sugan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho kadib xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa madaxda u sareysa dalka.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco www. jowhar.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More