Antony Blinken iyo Uhuru Kenyatta oo ka wadahadlay xaalada dalka Soomaaliya

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qadka taleefanka ku wada sheekeystey ayaa waxaa ay isla soo qaadeen dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya iyo khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadleen sida degdegga ah ee loo joojinayo dagaalka si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan.

“Dagaalka ka socda Itoobiya waa in si dhaqso leh loo joojiyo,Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.”ayuu yiri Mr Blinken.

Dowlada Maraykanka ayaa tan iyo markii uu markale soo shaac baxay khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble waxa ay ku baaqeysay in la joojiyo khilaafka isla markaana la dadajiyo doorashada dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More