Askari shalay dil u geystay wade Mooto Bajaaj oo maanta Baydhabo lagu toogtay

Nov 10 (Jowhar.com)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad oo maanta dil toogasho ah ku fulisey EX-dable daraawiish Muzamil Maxamed Cabdi Aaden oo shalay Magaalada Baydhabo ku diley marxuum Cabdiweli Xasan Cali oo saarna mooto Bajaaj.

Dilaaga ayaa isu dayey inuu Mootada Bajaajta si xoog ah ku raaco laakiin wadaha ayaa diiday taas waxaana ay keentay in dilaagu Saddex xabadood ugu dhufto Marxuumka halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Guddoomiyha Maxkmada Ciidamada Qeybta 60aad ayaa ku dhawaaqey xukunka dilka tooqashada ah oo saaka lagu fuliyey gacan ku dhiiglaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More