ATMIS oo laga wareejiyay sugida amniga Xasan Sheekh, Xamze iyo Aadan Madoobe

Dec 17 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta munaasabad ka dhaceyso Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ay ATMIS ku wareejineyso amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Ciidamo Soomaali ah oo isugu jira Milatari iyo boolis si gaar ah u tababaran oo 500 askari ah ayaa la wareegayo amniga xafiiska madaxweynaha, midka ra’iisul wasaaraha iyo xarunta baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan oo xalay dalka dib ugu soo laabtay iyo madaxa ATMIS ayaa wadajir ula hadli doonna warbaahinta, iyagoo sharaxaad ka bixin doonna sida ay ku timid wareejinta xaruntam.

Tallaabadan kadib, qorshaha xiga ayaa ah sidii ATMIS looga wareejin lahaa amaanka dekeda iyo garoonka diyaaradaha Adan Cadde oo ay haatan maamulaan.

Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii Ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo Midka hadda ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More