Aliyare – Jowhar somali news leader https://www.jowhar.com Jowhar somali news leader Mon, 22 Feb 2021 15:35:09 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=5.7.2 Hanjabaada cusub ee Facebook ee Helista Xogta Isticmaalaha WhatsApp si ay ugu Bartilmaameedsato https://www.jowhar.com/news/hanjabaada-cusub-ee-facebook-ee-helista-xogta-isticmaalaha-whatsapp-si-ay-ugu-bartilmaameedsato.html Mon, 22 Feb 2021 14:30:32 +0000 https://www.jowhar.com/?p=12818 Warbaahinta bulshadda iyo shirkadda weyn ee xayeysiinta ee Facebook ayaa soo saartay amar kale oo loogu talagalay dadka isticmaala WhatsApp ee aan dooneynin inay tiknoolajiyadda fogaal arag maqalka siiyaan xogtooda.

Horaantii sanadkaan, Facebook wuxuu bilaabay inuu ku wargaliyo dadka isticmaala Alladda WhatsApp. In barnaamijku si dhakhso leh ula wadaagi doonaa macluumaadkooda iyo xogtooda shirkada waa weyn ee baraha bulshadda, Hadii ay rabaan iyo hadii kaleba, Sidaasina ay tahay inay aqbalaan si ay usii wadaan isticmaalka barnaamijka kadib 8-dii Febraayo.

Facebook ayaa daha ka rogin waqtigaas, oo aan dhaqan galin xog bixinta Isticmaalayaashiisa, kadib dib u dhac baahsan oo la soo daristey, inkasto ay ka gaabsadeen sababta ay uga amuuseen dhaqan galinta sharcigaan, Amuusanantaas ayaa loo sababeyey qeylo dhan ka soo yeertey bulshadda baraha bulshadda isticmaasha,  laakiin kama usan quusan raadinta aan dhamaadka lahayn ee xogtan oo uu ufulay sidii uu u hirgalin lahaa.

Isticmaalayaashu hadda waxay haystaan illaa 15-ka Maajo inay aqbalaan, Xererka siyaasadaha shabakadda WhatsApp.

E-mayl loo diray mid ka mid ah ganacsadayaasheeda dhanka ganacsi ee ay aragtay Shabakadda TechCrunch, Fariin qoraaledka iyo Fogal Arag Maqalka shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inay “si taxadar ku jiro oo tartiib ah u weydiin doonto Isticmaalayasha” dadka inay aqbalaan xeer siyaasadeedka Shabakadda “Si ay sii buuxda ula janqadaan WhatsApp xerarkiisa”.

Haddii aadan oggolaan kahor taariikhdaas waxaad kaliya oo aad awoodi doontaa inaad sii wadato helitaanka “wicitaannada iyo ogeysiisyada” “waqti gaaban oo xadiidan”.

Ma awoodi doontid inaad akhrisid ama dirtid farriimo xiligaas ka dib.

Facebook ayaa ugu xaqiijisay TechCrunch emaylka Arrintan “In kastoo aysan si sax ah u tilmaameyn” hiigsiga qorshaha shirkadda ee mustaqbalka.

Marka loo eego siyaasadeeda isticmaalayaasha ee aan sida joogtadda ah uu isticmalin, WhatsApp waxaay ledahay guud ahaan waxaan tirtirnaa xisaabaadka kadib 120 maalmood hadii usan qofku isticmaalin kontadda.

Xafidiida fariin qoraleedka-ilaa-ay ka gaarto qofka loo diraay oo la adkeyey amankeeda, Ayaa lagu daray WhatsApp kadib markii Facebook ay la wareegtey 2014  oo ay kula wareegtey aduun dhan $ US19 bilyan , taasoo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh oo dadka isticmaala maskaxdooda lagu soo jidanayey.

Laga soo bilaabo 2016, WhatsApp wuxuu haystay “ogolaansho” inuu kula wadaago xog badan sida nambarada taleefannada iyo macluumaadka aaladda ee Facebook.

Isbedelka cusub wuxuu ku darayaa xog dheeri ah, Sida lacagaha iyo macaamisha ka dukaameysata xogtooda.

WhatsApp waxay uu sii durkeysa dhanka ganacsiga elektarooniga ah sida barnaamijyada Facebookba uu ugu durkay dhanka ganacsiga oo ay horey u sameeyeen, waxayna doonayaan xogta macaamisha, Waana sababta ay u rabto dhammaan xogta kale isticmalayaasha Alladan – waa sii ay ugu bartilmaameedsadaan dhanka xaysiimaha iyaago ka iibinaya xogta Shirkada oo uu adeegsan kara Wax yaabo badan.

Isticmaalayaashu kuma faraxsana qaar badanna ayaa durba bilaabay in ay ka hajiraan, Waxaayna leyihiin waaynu ka tageynaa bartan ay ledahay Facebook.

Elon Musk oo fariin qoraleed uu u diraay tobanaan milyan oo taageerayaashiisa ah, Ayuu ugu sheegay inay isaga guraan whatsApp oo ay “Isticmaalaan Alladda Signal” Inta ay ka ogonayaan dhibatadda ay uu keeni karto cusbooneysiinta soo socota ee WhatsApp.

Signal waxaay uu shaqeysaa sii la mid ah sida whatsappka sida dirista fariin sireedka ah oo dhawaanahan ay ku soo dartey iyo fogaal arag maaqal fariin diris ah.

Farriinta uu soo saaray Mr Musk ayaa sababtay in saamiga shirkadaha aan xiriirka tooska la lahayn ay kor uga kacdo wax ka badan waxa ay shirkaddu uqalantay waxayna sidoo kale isticmaaleyaal badan oo cusub uguureen Signal iyo BiP Messenger  oo laga leyahay turkiga, Dhanka kale WhatsApp ayaa ku dhibtooday inay sii wado la wadaagista xogta, tani ayaa ku keentay shirkada hoos uu dhac dhaqale oo ku yimaada.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

]]>
Djibouti Diyaar uma ahan iney raacdo wadadii Imaaraatka, Baxreyn ama Suudaan https://www.jowhar.com/news/djibouti-diyaar-uma-ahan-iney-raaco-wadadii-imaaraatka-baxreyn-ama-suudaan.html Tue, 01 Dec 2020 20:53:43 +0000 https://www.jowhar.com/?p=5024 Hogamiyaha Dhowrka cisho uga harsan tahay ee Trump-ka Mareykanka wuxuu sii wadaa baadi goobkiisa aqoonsiga Israel. Suudaan kadib, bartilmaameedka cusub ee Washington waa Jabuuti. Cadaadis ayuu  ku saaray madaxweynaha Jabuuti si uu ula jaanqaado Israel. Laakiin madaxweyne Geelle gabi ahaanba diyaar uma ahan inuu raaco wadadii Imaaraatka Carabta, Baxreyn ama Suudaan.

Sida uu sheegayo Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Jabuuti, dalkan ku yaal Bariga Afrika diyaar uma ahaa inuu rasmi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel. Dhinaca kale, hogaamiyaha wuxuu ugu baaqayaa Israa’iil inay ′ ′ Mowqif cad′ ′ ka qaadato dhanka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa toddobaadkan ka hadlay hawlgallada sasabashada diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee ay ku hawlaneed dhowr bilood. Wareysi uu siyey Horaantii todobaadkan oo ku begneyd Talaadadii, November 24, 2020 wargeyska The Africa Report, madaxa dowlada wuxuu sheegay in dalkiisa uusan qorsheyneynin inuu xiriir la yeesho Israel.

Ku dhawaaqiddan ayaa timid ka dib markii Imaaraadka, Baxreyn iyo Suudaan ay ku dhawaaqeen iney sii rasmi ah ka dhigeen xiriirkooda Tel Aviv. Mowjaddan uu Mareykanku taageerayo ee isu soo dhowaanshaha diblomaasiyadeed ee uu gadaal ka riixayo Donald Trump waxaa loo arkay inay tahay khiyaano lagula kacay Falastiiniyiinta,  Falastiiniyiinta oo xudunta u ahaa xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo dunida Carabta muddo tobanaan sano ah.

Ismacil Cumar Geelle wuxuu ku yiri wareysigiisa ” “Shuruudaha ma bisla”Kuma qanacsani dowladda Israel maxaa yeelay waxay u diidaysaa Falastiiniyiinta xuquuqdooda lama-taabtaanka ah, Waxa kaliya ee aan weydiisaneyno Tel Aviv waa inaan u dhaqaaqdo dhanka nabada waxaana sameyn doonnaa markaa taas bedelkeeda Laakiin waxaan ka baqayaa ineysan waligeed sameyn doonin “.

Wax dhibaato ah kuma qabno Yuhuudda dad ahaan ama Israa’iil ahaan qaran ahaan. Qaar ka mid ah xitaa waxay u yimaadaan Jabuuti arrimo ganacsi iyaga oo wata Baasaboorkooda, muwaadiniinta reer Jabuuti-na waxay awoodeen inay u safraan Israel muddo hadda laga joogo 25 sano, ”ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo wareysi siinayay majaladda The Africa Report. Si kastaba ha noqotee, markii wax laga weydiiyay bal in dalkiisu raaci doono wadadii Baxrayn, Suudaan iyo Imaaraatka, isla markaana uu caadi ka dhigi doono xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, wuxuu yiri “ma bislaan shurudaha”.

Israa’iil iyo Washington waxay diiradda saarayaan waddamada iyaga istiraatiijiyad u noqon kara. Marka la eego duruufaha jira iyo meesha istiraatiijiga ah ee ay ku taal Jabuuti, halkan aad bay u jeclaan lahayeen. Sidaas darteedna, surta gal ma ahaa Jabuuti waxay billowday geeddi-socod ay uga go’ayso reer galbeedka, Dhanka kale waxaa xasusid mudan in ay kala irdhowbeen Imaaraadka Carabta. Hadii aan dib idin xasuusiyo, 2018, Jabuuti waxay joojisay qandaraaskii Emiratka ee DP World ay la gashay kaas oo dawladda waxba kama jiraan ka dhigtey.

Runtii, DPWord shirkaddani waxay ka hortagneyd dekedda Doraleh ee Jabuuti inaysan u horumarin sidii la rabay, ayna ka hor-istaagin horumarka dekedda Dubai oo aysan tartanka la galin.

Taas oo ku qasabtey Xukumadda Jabuuti inay albaabadeeda u furto Shiinaha sii ay u horumariyaan dekedda Doraleh, taas oo markii dambe horseeday in shinaha uu saldhig milatari oo muhiim ah dalka Djibouti ka furto.

Intaas waxaa sii dheer, Jabuuti waxay dariis la tahay Yemen, oo ah waddan uu Sacuudiga duulaan dagaal ku qaadey 2015.

Dagaalkan waxaa uu abuuray xogag kala duwaan oo ka dagaalamaya dalkaas, sida Ansarallaah Yemen. Xaaladda ayaa hadda bilcaskis ah Yemen dhexdeeda, waxaana sii xoogaysanaya kooxda Ansarallah. Taas ayaa ku kaliftey in Israa’iil ay ku taageerto Sacuudi Carabiya ololaheeda gardarrada ah ee ka dhanka ah Yemen. Ka sokow, booqashadii qarsoodiga ahayd ee ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Israel uu ku tagay Riyadh waxay taageeri karaan fikradan.

Jabuuti sidoo kale waxay taageertay Itoobiya. Xukumada Adisababa oo u halgameysa sidii ay uga bixi laheyd dabin ay Washington iyo Israel u dhigeen iyaago oo hubeynaya isla markaana maalgelinaya gooni u goosadka Tiger ujeedkooduna yahay in uu dagaal ka huriyo Geeska Afrika.

Taas oo ka dhigaysa Israel iyo Washington inay isku dayaan inay shabakadooda siyaasadeed ku fidiyaan wadamada Geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Cumar Geelle isaaga oo ku hadlaya magaca dadweynaha reer Jabuuti. waxaa ku cad ereyadiisa, Israel waa inay marka hore joojiso siyaasadeeda argagixisada ee ku wajahan Falastiin iyo Bariga Dhexe ka hor inta aysan ka hadlin xiriir kasta oo ay la sameyso Djibouti!

Jabuuti, waxay ku taal Geeska Afrika, waa mid ka mid ah waddamada ugu da’da yar adduunka, iyada oo xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1977. Waa dal yar oo dadkiisu ka yar yahay hal milyan, laakiin waxay leedahay muhiimad weyn oo dhanka juqraafi ahaan. Jabuuti waxay marti gelisaa militariga shisheeye. dhanka kale saldhiga kaliya ee joogtada ah ee Mareykanku ku leeyahay dhulka Afrika ayaa ku yaal, Camp Lemmonier, iyo saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda Shiinaha. Maaddaama ay xuduud la leedahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed bariga, Jabuuti waxay uu tahay marin muhiim ah iyo meel shidaalka laga qaato ahna marinka ganacsiga ee ugu mashquulka badan. Marka la eego khilaafaadka khalkhal gelinaya xasilooni daradda deriskeeda Itoobiya, Soomaaliya iyo Yemen, waxaa sii kordhaya xiisaha loo qabo dalka yar kaas oo ka dhigay wadan meel muhuum ku yaal.

Source: PresstvAfrica
Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

]]>
Turkiga Ayaa Qabtey xubnood ka tirsan Daesh oo rabay in ay weeraran Saldhiga Incirlik https://www.jowhar.com/news/turkiga-ayaa-qabtey-xubnood-ka-tirsan-daesh-oo-rabay-in-ay-weeraran-saldhiga-incirlik.html Mon, 09 Nov 2020 08:41:24 +0000 https://www.jowhar.com/?p=2630 Booliska Turkiga waxay soo qabqabteen ku dhawaad 36 xubnood oo looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin Daesh, kuwaas oo ay ku jiraan qaar qorsheynayay inay afduubtaan xildhibaano iyo aqoon yahano isla markaana weeraraan Saldhigga Cirka ee Incirlik, howlgalada argagixiso la dirirka ee ka socda gobolada Istambul iyo Adana.

Sida lagu sheegay bayaanka booliska, howlgalada waxaa loo fulinayey in lagu soo qabto tuhmanayaasha argagixisada Daacish oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ee ka hawlgasha Syria.

Booliisku waxay hawlgalo isku mar ah ku qaadeen 17 bartilmaamed oo ku yaal 11 degmo oo ka tirsan magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka soo qabqabteen 17 tuhmane argagixiso.

Magaalada Adana, booliska ayaa ku soo qabtey 19 tuhmane oo kale kuwaas oo la sheegay in ay qorsheynayeen in ay afduubaan xildhibaanada,aqoon yahano iyo saraakiisha garsoorka.

Dukumiintiyo lagala wareegay intii ay socdeen weerarada ayaa sidoo kale lagu ogaaday in argagixisada ay qorsheynayeen inay weerar ka geystaan ​​Saldhigga Cirka Mareykanka ee Incirlik ee magaaladaas ku yaal (Incirlik Air Base).

Booliska ayaa helay 500 garaam oo walxaha qarxa ah, hub aan sharciyeysneyn, dukumiintiyo abaabul iyo agab dijitaal ah oo ay leeyihiin argagixisada DAACISH.

Tuhmanayaashu waxay hawlgal ku fulinaayeen magaca DAACISH, oo ay ku jiraan jirdil ay u gaysanayeen shaqsiyaad ay u arkeen inay aflagaadeeyeen qiyamka diinta.

Bishii Sebtember, booliska Turkiga waxay xireen shakhsigii ugu sarreeyay kooxda argagixisada ee dalkaas, Mahmut Özden, oo loo arko inuu yahay “amiirka Turkiga” ee Daesh ee magaladda Adana.

In kasta oo kooxda argagixisada si weyn logaga adkaaday Ciraaq iyo Suuriya, joogitaankeedu wali khatar buu u leeyahay gobalka, maaddaama shaqsiyaadka raacay fikirkooda ay kuwa kale ku dhiirrigeliyaan in ay gumaad sameeyaan.

Falanqeeyayaasha reer Yurub ayaa sidoo kale ka digay weerarada ay geysato kooxda Daesh, Madama shaqsiyaadka aysan waxda sirdoonka aysan ka warqabin in ay noqdeen kuwa ku badan ee faldambiyeedyadda geysta.

Turkiga ayaa Daacish u aqoonsaday koox argagaxiso ah sanadkii 2013-kii wixii markaa ka dambeeyayna marar badan ayaa la soo weeraray, oo ay ka mid yihiin 10 qaraxyo ismiidaamin ah, toddobo qarax iyo afar weerar hubaysan, oo ay ku dhinteen 315 qof boqolaal kalena ku dhaawacmeen.

Haddaba sii uu uga Jawaabo, Turkigu wuxuu bilaabay hawlgallo milatari iyo boolis gudaha iyo dibeddaba, isagoo soo qabtay xubnihii ugu sarreeyay Daesh dadaallada argagixiso la dagaallanka  ee dalka gudihiisa iyo Suuriya.

Sirdoonka Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaatay dhimashadii hogaamiyaha DAACISH Abu Bakr al-Baghdadi iyaga oo qabtey una gacan geliyay mid ka mid ah kaaliyeyaashiisa Ciraaq, kaas oo maamulka Maraykanka siiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ugu yaraan 2,000 oo qof ayaa la xiray halka 7,000 oo kalena la masaafuriyay hawlgallo ka dhan ah Daesh oo ka dhacay Turkiga dhowrkii sano ee la soo dhaafay, halka ku dhowaad 70,000 oo qof loo diiday inay galaan dalka sababo la xiriira tuhunno ay ka qabaan inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

]]>
Netanyahu oo hambalyeeyay ‘saaxiibka weyn ee Israel’ Biden guushii doorashada Mareykanka https://www.jowhar.com/news/netanyahu-oo-hambalyeeyay-saaxiibka-weyn-ee-israel-biden-guushii-doorashada-mareykanka.html Mon, 09 Nov 2020 07:40:07 +0000 https://www.jowhar.com/?p=2622 Raiisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa axadii u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ka dib doorashadiisii ​​isagoo sheegay inuu rajeynayo wada shaqeyn ay la yeeshaan maamulka cusub iyo sii xoojinta isbahaysiga labada dal.

Hambalyo @JoeBiden iyo @KamalaHarris. Joe, waxaan leenahay xiriir shaqsiyadeed oo dheer & muddo ku dhow 40 sano, waana ku aqaanaa inaad tahay saaxiib weyn oo reer Israel ah. Waxaan rajeynayaa inaan labadiinaba la shaqeeyo si aan u sii xoojiyo waxyaabaha u gaarka ah isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil, ”ayuu Netanyahu ku sheegay bartiisa Twitter-ka, oo weli sawirkiisa iyo madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka haya Donald Trump madaxa ku haya.

Waxaa kale oo uu yirii “Waad ku mahadsan tahay @realDonaldTrump saaxiibtinimada aad muujisay aniga iyo Israel shaqsiyan, inaad aqoonsatay Qudus iyo Golan, inaad u istaagtay Iran, heshiisyadii taariikhiga ahaa ee nabadeed iyo inaad isbaheysiga Mareykanka iyo Israel gaarsiisay meel sare oo aan horay loo arag. Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Fariinta Netanyahu ayaa timid saacado kadib markii hogaamiyayaal badan oo adduunka ah iyo qaar kamid ah wasiirada Israel ay u hambalyeeyeen Dimoqraadiga Biden, xitaa iyadoo Trump uu diiday inuu qirto oo uu horey u sii wado dagaalka sharci ahaneed ee ka dhanka ah natiijada.

Xiriirka garabka midig ee Netanyahu gaar ahaan xiriirka dhow ee uu la leeyahay Trump wuxuu daba socdey xiriir aan wanaagsaneyn oo uu la yeeshay madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Barack Obama, kaas oo dadka dhaleeceeya qaarkood ay ku sheegeen inuu kala fogeeyay Dimuqraadiyiinta isla markaana uu wax u dhimay taageerada labada xisbi ee Mareykanka ee Israel.

Qilaafka udhaxeeya Netanyahu iyo maamulka cusub ayaa imaan kara marka loo eego balanqaadkii Biden ee ahaa soo celinta ku lug lahaanshaha Mareykanka ee heshiiskii Nukliyeerka Iran iyo sida muuqata aqalka cad ayaa diidan in Israel ay degto dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta ay ka raadsadaan dowlad.

Isaga oo xarkaha kula jira Trump afartii sano ee la soo dhaafay, Netanyahu wuxuu wajihi karaa karbaash siyaasadeed – in kasta oo ay dib u dhigi karto baahida maamulka Biden ee ah inuu marka hore wax ka qabto dhibaatada COVID-19 iyo dhaqaale xumada Mareykanka soo wajahay.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

]]>