Beesha Caalamka oo soo dhoweeysay Heshiiska laga gaaray Shirkii Madasha Qaran

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Saaxibada Beesha Caalamka ayaa loogu mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hoggaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada.

“Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.”ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka ay soo saareeb saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee waxa ay beesha Caalamku ugu baaqeen dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah.

Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More