Biixi Iimaan oo markale loo doortay xildhibaan golaha shacabka

Biixi Iimaan Cige ayaa noqday Xildhibaankii labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad kadib markii lagu doortay magaalada Muqdisho.

Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil,  kaas oo kula tartamay doorashada oo ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi, Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka  oo isna keensaday 9 cod, sidoo kale waxa halaabay 1 cod

Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa noqonaya Mudanihii labaad ee loo doortay Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Mahdi Maxamed Guuleed oo ku soo baxay kursigii koobaad.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maalmaha soo socda la guda-gali doono doorashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More