C/raxmaan C/shakuur oo shir caalami uga qeyb galay Switzerland, codsina u jeediyay beesha caalamka.

Nov. 30 (Jowhar.com) -Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Ergeyga gurmadka abaaraha oo haatan lix bil xafiiska fadhiya, ayaa wada olole culus oo uu deeq bixiyayaasha ugu qeyla dhaaminayo iney kaalin muuqata la ciyaaraan maareynta abaaraha iyo fatahaaadaha ku dhufta dalkan oo saameyn xooggan dhaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More