C/raxmaan C/shakuur oo si kulul uga hadlay wadooyinka Muqdisho ee dowladda u xiran.

Dec. 29 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa cadeeyay mowqifkiisa jidadka la xiro iyo dhibka shacabka kala kulmaan mar walba oo jidadka la xiro, taasoo noqotay dhaqan soo jireen oo soo taxnaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ee dowladdii timaadaba ay dowladda kale ku wareejineysay waxqabadka jidadka la xiro.

Mr. Warsame ayaa soo bandhigay dhibaatada shacabka ay kala kulmaan jidadka la iska xirto, isagoo si gaar ah isu dul taagay saameynta arrintaas ay ku yeelato dadka xoogsatada ah ee nolol maalmeedkooda sida maalin laha ah u raadsada iyo kuwo arrimo caafimaad oo gudaha ama dibadda ahaa laga xanibay intii ay jidadka iyo garoonka xirnaayeen.

Waxa uu bulshada reer Muqdisho ugu baaqay iney dowladda kula xisaabtamaan arrintaasi oo aysan gacmaha iska laaban.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur Warsame:

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan. C/raxmaan C/shakuur oo si kulul uga hadlay wadooyinka Muqdisho ee dowladda u xiran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More