Cali Guudlaawe oo La Taliye u magacaabay Cabdi Jiinow Calasow

Nov 03 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u magacaabay Ing. Cabdi Jiinow Calasow Lataliye Sare ee Arrimaha Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Hirshabeelle.

Wareegto ku taariiqeysan 2da bisha November 2023 ayuu Madaxweynaha Hirshabelle xilkan ugu magacaabay Cabdi Jiinow oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa leh xeeb dheer taasoo ay ku yaalaan qaar ka mid ah degmooyinka uu ka kooban yahay hirshabelle sida degmada Cadale iyo Warsheekh.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada magacaabida Cabdi Jiinow.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More