Cali Guudlaawe;”Waan soo dhaweyneynaa cid kasta ee Hirshabelle wax u qabanayso”

June 09(Jowhar.com)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo cid walba oo gacan ka geysanaysa horumarka isla markaana ay u fududeyn doonaan sidii ay u fulin lahaayeen mashaariicda.
Warkan ayuu ka sheegay Madaxweyne Cali Guudlaawe xilli uu maanta xariga ka jarayay xarun cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ka hirgelisay caasimada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

“Dowlada Hirshabelle waxaa ka go’an horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada,Waxaan u mahadcelinaynaa cid walba oo gacan ka geysatay horumarinta hirshabelle waxaana aan soo dhoweyneynaa cid kasta oo wax u qabanaysa Hirshabelle annagana waxaa naga go’aan inaan la fududeyno oo aan wax ku darsano.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa faray Mas’uuliyinta wasaarada Caafimaadka in dadka aqoonta leh ee bartay caafimaadka la howgaliyo isla markaana la gaarsiiyo degmo kasta iyo deegaan walba ee katirsan Hirshabeelle laga hirgeliyo xarun Caafimaad oo lacag la’aan ah.

Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka, Maamulka Gobalka Sh/dhexe,kan Degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More