Carruur ku geeriyootay dabka kacay guri ku yaal magaalada Boorama

Wararka ka imanaya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in dab ka kacay guri ay jiifeen carruur ay ku gubteen saddex ka mid ah carruurta halka mid afaraadan uu dhaawac ka soo gaaray.

3 caruur ah oo labo ka mid ah ay gabdho ahaayeen da’dooduna u dhaxayso sannad ilaa 8 sanno jir ayaa ku geeriyootay dabkan.Aabaha caruurta dhalay ayaa saxaafada u sheegay in uu guriga ka maqnaa markuu dabku kacayay.

Magaalooyin ku yaal Maamulka Somaliland ayaa hore sidan oo kale carruur ugu geeriyootay dab ka kacay gurigii ay degenaayeen.

Lama oga sababta keentay in dabka uu ka kaco guriga hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in waalidiinta carruurta dhashay ay ka maqnaayeen guriga marka uu dabku kacayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More