Browsing Category
NEWS
NEWS
Safiirka Midowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Milatariga laga saaro Muqdisho
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Mudane Dr Multaq Al-qahtani.
Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay maalinta Xorriyadda Saxaafada Adduunka
Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka Awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Ergeyga Qatar Al-Qahtani oo maanta la kulmaya madaxda Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle
Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maalinta oo Isniin ah la kulmaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.
Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay 5 ruux
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa ku xukuntay shan ruux xukun dil ah kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab.
Ergeyga dowlada Qatar oo la kulmay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta
Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa caawa kula kulmay hotel Decale xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay xubno ka socda midowga musharaxiinta oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.
Ergeyga Qatar oo la kulmay Afhayeenada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya
Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo shalay yimid dalka ayaa kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo iclaamiyay xilliga uu dhacayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20ka bishan May…
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay ergeyga dalka Qatar Al- Qahtani
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.
Ergeyga dalka Qatar oo maanta kulamo ka bilaabaya Muqdisho
Ergeyga ka socda dowladda Qatar Dr Mutlaq Al-Qahtani oo xalay ku hoyday Muqdisho ayaa maanta kulamo la yeelanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Mucaaradka, xubno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay in hoggaanka doorashada lagu wareejiyo Rooble
Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka, diyaar u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeeyaan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhaca…
Al Shabaab oo saaka nabadoon ka kaxestey degmada Raagge Ceelle
Ururka Al-shabaab ayaa saaka gudaha u galay degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/dhexe iyagoo ka kaxeystey nabadoonka degmada Axmed Jilcane.
Antonio Guterres oo baaq u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay ku ansixiyee in dib loogu laabto heshiiskii 17 September.
Jubbaland oo ka hadlay ku wareejinta maamulka doorashooyinka RW Rooble
Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa ka hadlay mowqifka Maamul goboleedka Jubbaland ee ku wareejinta maamulka doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.
Itoobiya oo u aqoonsatay Ururka TPLF Argagaxiso
Dowlada Itoobiya waxay ku dartay liiska argagixisada labo koox oo hubaysan, oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF).