Ciidamada Danab oo saldhig Milatari ka dhisanaysa Jowhar

June 04(Jowhar.com)- Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS) si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhawaan sheegay in dhamaadka sanadkan laga qabanayo doorashada Madaxweynaha Hirshabelle isla markaana uu yahay musharax u taagan xilkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More