Ciidamada Israa’iil oo ku hareereysan goobo Xamaas ay ku suganyihiin

Dec 12 (Jowhar.com)- Israa’iil ayaa sheegtay in ciidankoodu ay isku gadaameen goobaha ay Xamaas kaga suganyihiin Qasa gaarahaan aagga xerada qaxootiga ee Jabaliya iyo Shejaiya ee waqooyiga Qasa.

Taangiyada ayaa sidoo kale u dhaqaaqay dhanka bartamaha magaalada koonfurta ku taalla ee Khan Yuunis.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay tahay in ay isku dhiibaan milatariga Israa’iil.

Dhinaca kalena, Wararka ka imaanaya koonfurta Qasa ayaa sheegaya in taangiyada Israa’iil ay galayaan magaalada halkaas oo maalmahaan duqeymo iyo dagaallo ay ka socdeen.

Arrintaan ayaa xaalad cakirnaan ah sii galineysa Khan Yuunis oo ah meel markii hore ay isugu tageen dadka ka soo barakacay qaybaha kale ee Qasa.

Dadka halkaa ku dhaqan ayaa wajahaya dhibaatooyin isugu jira cunto la’aan biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo sidoo kale ay ku socdaan duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Waqooyiga Qasa ayaa waxaa sidoo kale ka socda duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil iyadoo xaalad isku mid ah ay ka jirto koonfurta iyo waqooyigaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More