Ciidamada Israel oo gudaha u galay isbitaalka Al-Shifa iyo xaalada oo adag

Nov 15 (Jowhar.com)- Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan ciidamada milatariga Israa’iil oo gudaha u galay isbitaalka Al-Shifa ee marinka Qasa.

Goobjooge ku sugan isbitaalka ayaa sheegay inuu arkay lix taangi oo gudaha ugu jira isbitaalka iyo in ka badan boqol ciidamada gaarka ah ee loo yaqaanno komaandooska, oo galay qaybta gargaarka degdeg ah ee isbitaalka, waxay xirnaayeen wejiga waxayna ku qaylinayeen oo ku oranayeen afka Carabiga, ha dhaqaaqin ha dhaqaaqin.

Wuxuu kaloo  sheegay in ciidamadu ay gudaha isbitaalka ku tureen sunta dadka ilmada ka keenta taas oo sababtay in dadku ay neef-qabatoobeen.

Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu arkay ciidamo galaya qaybta qaliinnada gaarka ah.

Kumanaan kun oo bukaan ah iyo dad rayid ah ayaa la rumeysan yahay inay gabaad ka dhiganayaan isbitaalka Al-Shifa ee Qasa, kaasoo ay go’doomiyeen ciidamada Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee qiyaasuhu way kala duwan yihiin. Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Al-Shifa ay ku sugunyihiin ilaa 700 oo bukaan ah, 400 oo shaqaale isbitaalka ah iyo 3,000 oo rayid ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,300 oo qof ay weli ku jiraan isbitaalka – ilaa 650 bukaan ah, 200 ilaa 500 shaqaale ah iyo ku dhawaad 1,500 oo rayid ah.

Xaalad cakiran ayaa ka jirta isbitaalka oo ah kan ugu weyn Qasa.

Xamaas ayaa ku eedaysay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu mas’uul ka yahay go’doominta ciidamada Israa’iil ay ku hayaan isbitaalka al-Shafa.

Xamaas ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka uu yahay qofka kaliya ee mas’uulka ka ah tallaabadan Israa’iil ay qaadday.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Xamaas waxay ku eedaysay madaxweyne Biden inuu ka dambeeyo qabsashada isbitaalka ee ciidamada Israa’iil.

Xamaas ayaa ku adkaysatay in Israa’iil ay fulisay weerarka ka dib markii Aqalka Cad uu oggolaaday sheegashada Maraykanka ee ah in al-Shafa ay Xamaas u adeegsato arrimo ciidan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More