Ciidamadda dowladda oo Shabaab kala wareegay magaalada Masagawaay.

Jan. 01 (Jowhar.com)-Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macwisley ayaa maleeshiyada Al-shabaab kala wareegay gacan ku heystan magaalada Masagawaa ee gobolka Galguduud, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

General Gacmodulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwantu ay dagaal la galeen maleeshiyada Al-shabaab, kadibna ay ka saareen magaalada.

“Magaalada waa laga fara-maroojiyay cadowga Al-shabaab. Waa carareen. Firxadkooda ayaa ciidanku sii daba scodaa” ayuu yiri General Gacmodulle oo la hadlay warbaahinta dowladda, isaga oo jooga magaalada Masagawaa.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaayo ka waday deegaanno hoostaga Masagawaa, waana magaaladii ugu dambeysay ee laga saaro Al-shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More