Ciidamo AMISOM ka socda oo la qorsheynayo in la dhigo goobaha lagu dagaalamay ee Muqdisho

Waxaa socda dadaalo ku aadan in Ciidamo nabad ilaalinta AMISOM ah la geeyo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhacayeen si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane oo saacadihii u dambeeyay shirar gaar u socday ayaa waxay Midowga Afrika kala hadlayeen in dib u eegis lagu sameeyo kaalinta howlgalka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan Nabad Ilaalinta.

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta iyo Wakiilda Beesha Caalamka C6+ ayaa shir dhanka qadka Zoomka u socdaa, iyagoo ka wada hadlaya xaalada ay gashay magaalada Muqdisho, isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii xaalada loo dejin lahaa.

Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira in xiisada dagaal ee ay gashay Muqdisho la joojiyo, isla markaana in degdeg wada hadal uu bilowdo.

Magaalada Muqdisho oo xaaladeedu degen tahay kadib dagaaladii xalay iyo shalay ayaa laga cabsi qabaa in markale uu dib u bilaaban karo dagaalada maadaama khilaafka uu ka bilowday dagaalka uu weli taagan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More